Find Posts By Topic

Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo ee Maxkamadda Magaalada Seattle ee Shaqada Maxkamadda inta lagu jiro COVID-19

Nabadgelyada ka jirta Maxkamadda Magaalada Seattle

Nabadgelyadaadu waa ahmiyaddeena. Af-xirashadu waa ku waajib dhammaan booqdayaasha iyo shaqaalaha. Kooxdeena Saraakiisha Maxkamadda Magaalada Seattle ayaa hubiya dhamaan booqdayaashu inay maraan marinka ammaanka iyo hub baarista oo qaadaya tillaabooyin dheeraada si lagu ilaaliyo dhammaan booqdayaasha maxkamadda.

Ka doodidda tigid

Si aad u codsatid dhegeysi  aad uga doodid ama lagu khafiifiyo tigidkaaga, raac tilmaamaha ku qoran dhabarka tigidkaaga kuna soo dir boostada, ama soo wac (206) 684-5600 Isniin-Jamce, 9 a.m.-4:30 p.m.

Ogeysiis dhegeysi baa boostada laguu soo dhigi doonaa waxaana la socon doona tilmaamo ku aadan sida aad bayaan qoraalkaaga u soo gudbisid ama dhegeysi uga soo qeybgashid.

Ka-qeybgelidda Dhegeysigaaga Lacag-khafiifinta Tigidka

Haddii aad aqbasho inaad gashay sharci-jebin (tigidka) laakiin dooneyso inaad codsato ganaaxa tigidkaaga in la yareeyo, waxaad codsan kartaa dhegeysi lacag-khafiifin ah.

Dhegeysiyada lacag-khafiifinta waxaa lagu qabtaa bayaan qoraal ama telefoonka. Ma qabaneyno dhegeysiyo lacag-khafiifin oo qof-ahaan loo imaado. Si dhegeysigaaga lacag-khafiifinta bayaan qoraal loogu qabto, fadlan soo gudbi bayaankaaga saddex bari kahor dhegeysigaaga ballansan. Waxaad bayaankaaga ku soo gudbin kartaa khadka, boostada, ama faksi.

Si dhegeysigaaga lacag-khafiifinta foonka loogu qabto, soo wac (206) 684-5607 waqtiga dhegeysigaaga ballansan si aad ula hadashid garaani. Kadib markaad iska xaadirisid garaaniga, waxaa lagu dhihi doonaa foonka iska dhig oo sug wicitaanka Xaakimka Maxkamadda. Xaakimka Maxkamadda wuxuu kugu soo celin karaa saacad gudaheed. Fadlan qorshee inaad diyaar ahaato hal saac waqtiga dhegeysigaaga ballansan.

Ka-qeybgelidda Dhegeysigaaga Tigid Ka-doodida

Haddii aad inkirsan tahay sharci-jebin (tigidka) inaad gashay, waxaad codsan kartaa dhegeysi doodeed.

Haddii aad codsato dhegeysi doodeed, maxkamaddu waxay kuu ballamin doontaa shir xallin dhegeysiga kahor, kaasoo ah fursad lagu xalliyo kiiska ayadoon la qaban dhegeysi rasmi ah. Waxaad uga qeybqaadan kartaa shir xallin bayaan qoraal ama telefoonka. Si shirka xallinta dhegeysi kahor foonka loogu qabto, soo wac (206) 684-5607 waqtiga dhegeysigaaga ballansan si aad ula hadashid garaani. Kadib markaad iska xaadirisid garaaniga, waxaa lagu dhihi doonaa foonka iska dhig oo sug wicitaanka Xaakimka Maxkamadda. Xaakimka Maxkamadda wuxuu kugu soo celin karaa saacad gudaheed. Fadlan qorshee inaad diyaar ahaato hal saac waqtiga dhegeysigaaga ballansan.

Waad ka boodi kartaa shirka xallinta oo waxaad toos u aadi kartaa dhegeysiga doodka (maxkamad-qaadista) adigoo soo buuxinaya foomka ka-tanaasulka ee laguu soo raaciyo ogeysiiskaaga shirka dhegeysi hordhac ah. Dhegeysiyada doodeed ee Qolka-maxkamadda 301 waxaa lagu qabtaa khadka ayadoo la isticmaalayo isku-xirka fiidiyowga/telefoonka ee WebEx.

Codsi ahaan, waxaad ku tagi kartaa dhegeysigaaga doodeed qof ahaan. Hadaad rabtid dhegeysigaaga doodeed toos inaad u tagto, fadlan iimeel u soo dir: courtcalendar.SMC@seattle.gov oo soo raaci kiis lambarkaaga si aad u codsatid dhegeysi qof ahaaneed.

Kiisaska Dembiyada

Waxaad leedahay doorashada dhegeysigaaga aad uga qeybgeli kartid qof ahaan ama aad khadka uga qeybgeli kartid adigoo isticmaalaya khadka fiidiyowga WebEx ama telefoonka, illaa si khaasa garsoore kuu amray inaad qof ahaan u timaadid mooyaane. Macluumaad dheeraada, booqo boggeena Dhegeysiyada Khadka.

Waxaad boostada ku heli doontaa ogeysiis ku wargelinaya ballanta maxkamaddaada soo socota. Haddii cinwaankaaga boostada isbeddelay, fadlan soo ogeysii maxkamadda cinwaankaaga isbeddelay adigoo soo wacaya (206) 684-5600 Isniin-Jamce, 9 a.m.-4:30 p.m.

Waxaa halkaan ka fiirin kartaa ballamaha maxkamadda. Ka baar magacaaga Baaridda Eedeysanaha (Defendant Search), guji  kiiska maxkamaddaada, kadib guji cinwaanka Dhegeysiyada (Hearings).

Haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan kiiskaaga fal-dembiyeed, la xiriir qareenkaaga. Waaxda Difaaca Dadweynaha (Department of Public Defense) waxay haysaa qoraal Ingiriis iyo Isbaanish ah oo loogu talagalay dadka aan garaneyn qareenkooda sida loola xiriiro toos ahaan.

Qareennada: Fadlan ka fiiri Barta Macluumaadka Kiiska xogta kiiska macaamiilkaaga.

Bixinta tigidyada ama ganaaxyada

Waxaad lacagta tigidyada ku bixin kartaa khadka, foonka ah (206) 233-7000, ama boostada. Khidmadda hawl-fulinta ee lacag-bixinnada khadka iyo foonka xilligaan waa laga tanaasulay.

Haddii aadan bixin karin lacag tigid ama ganaax, soo wac (206) 684-5600 si aad u ogaatid doorarkaaga. Waxaad khadka ka codsan kartaa qorshe lacag-bixin. Fadlan ogow Maxkamadda Magaalada seattle xilligaan ma ku dalaceyso tigidyada lacago la soo daahitaan ah, tigidyadana looma dirayo hay’adaha deyn-aruurinta.

Wac (206) 684-5600 Isniin-Jamce, 9 a.m.-4:30 p.m. haddii aad qabtid su’aalo ama u baahantahay caawimaad.

Baarista xaq-u-yeelashada difaaca dadweynaha

Si aad u ogaatid inaad u qalantid qareen dadweyne, wac 206-386-1543, 8:30 a.m.-4:30 p.m. Isniin-Jamce.

Adeegyada maxkamad-qaadis kahor iyo kormeerka

Macaamiisha kormeerka ku jira uma baahna dhismaha maxkamadda in ay yimaadaan xilligaan, illaa shaqsi ahaan laguula soo xiriiray oo lagu yiri imow mooyaane. Wac (206) 684-7840 ama booqo barteena khadka haddii aadan haysan macluumaadka xiriirka ee la-taliyahaaga.

Dhegeysiyada gaari-jiidista

Waxaad dhegeysigaaga gaari la jiiday uga qeybgeli kartaa qof ahaan ama khadka adigoo isticmaalaya khadka fiidiyowga WebEx ama telefoonka. Fadlan u wac (206) 684-5600 macluumaad.

Xarunta Kheyraadka Bulshada (ilaha waxtarka)

Xarunta Kheyraadka Bulshada waxay furantahay saddex bari isbuucii; Isniin, Arbaco, iyo Jamce laga bilaabo 8:30 a.m. ilaa 4:00 p.m.  seattle.gov/courts/crc

Xafladaha guurka

Xaakimyadu waa diyaar kadib 4:30 p.m. maalinkasta maalmaha shaqada iyo waqtiyo la ballansan karo ee Sabti & Axad (weekend) si ay u qabtaan xalfado guur oo kooban. Macluumaad dheeraada.

Adeegga xeerbeegta

Maxkamad-qaadista xeer-beegta waxay dib u bilaabaneysaa Arbaco, Juun 16. Xeer-beegtu waxay toos u imaan doonaan dhismaha maxkamadda adeegga awgiis. Warbixin dheeraada waxay diyaar ku tahay barteena khadka.

Diiwaannada maxkamadda

Diiwaanno badan oo kiis waxay diyaar ku yihiin barta khadka. Macluumaad dheeraada oo ku saabsan dalbashada diiwaannada maxkamadda booqo barteena khadka ama ka wac Xaafiiska Garaaniga 206-684-5636.

Su’aalo kale?

Soo wac (206) 684-5600 Isniin-Jamce, 9 a.m. – 4:30 p.m.