Find Posts By Topic

Maxkamadda Magaalada Seattle oo ku Qabaneysa Dhacdo Wargelin Bulsho Koonfurta Seattle, Isniin, Sabteembar 19, 2022

Maxkamadda Magaalada Seattle (SMC) waxay keeneysaa adeegyada maxkamadda iyo bulshada Xarunta Bulshada ee Rainier Beach, Isniin, Sabteembar 19, 10:00 a.m.-6:00 p.m.

Xubnaha bulshada waxay caawin ka heli doonaan xallinta amarrada soo-xirid ee SMC iyo dejinta qorshooyin lacag-bixin ama qorshooyin khidmad dadweyne si lagu xalliyo tigidyada Seattle. Booqdeyaashu waxay sidookale keeni karaan tillaabooyin ay ku cusbooneysiiyaan diiwaangelinta gaarigooda (taargada) haddii loo haysto tigidyo Seattle oo lacagtooda la bixin iyo in ay ka helaan adeegyada taageerada Xarunta Kheyraadka Bulshada.

Shaqaalaha waxay ka jawaabi doonaan su’aalaha ku saabsan hannaanka maxkamadda, ballamin doonaan dhegeysiyada, waxayna macluumaad ka bixin doonaan barnaamijta lagu helo maxkamadda.Ka-qeybgaleyaashu waxay waqit-hore isku-diiwaangelin karaan is-xaadirin dhaqso leh ee dhacdada.

Turjumaad afafka Soomaali, Isbaanish, Amxaarig, Fiidnaamiis, iyo Maandarin diyaar bey ahaaan doontaa.

Af-xirasho waa waajib oo tillaabooyinka caafimaadka iyo badbaadada wey jiri doonaa inta dhacdada lagu jiro. Maaskarooyin waxaa la siin doonaa ka-qeybgalayaasha kuwaasoo aan haysan mid.

Tan waxay noqon doontaa dhacdadii koobaad ee wargelinta SMC tan iyo Oktoobar 2019. Dhacdooyinka wargelinta waa la hakiyay inta lagu jiray cudurka safmarkaa ee COVID-19.

Adeegyada taageerada ee goobta dhacdada lagu bixiyo waxaa ka mid ah*:

  • Amarrada soo-xirid SMC iyo adeegga macaamiisha tigidka
  • Diiwaangelinta dhaqaalaha DSHS (cunto, kaash, caafimaad, kaadh aqoonsi)
  • Foon casri ah oo bilaash ah oo wata khad internet ah ee dadka u qalma ee dakhliga hoose
  • Helitaanka qareen si looga hadlo diiwaan-tirka xukumo dembi-weyne daroogo ah (gudbinnada Blake)
  • Fiirinta u-qalmidda qareen bilaash ah
  • Helitaanka daryeel-caafimaadka YWCA
  • Adeegyada caafimaadka xiska iyo ilo waxtar leh
  • Macluumaad daaweyn daawada laga caawiyo
  • Barnaamijta daaweynta jirrada isticmaalka maandooriyaha
  • Macluumaadka guryhaa
  • Kaalmada qarashyada hoyga iyo korontada
  • Kaadhka ORCA LIFT iyo macluumaadka gaadiidka
  • Barnaamijta waxbarashada, shaqo geynta, tababarka iyo xirfad-barashada
  • Xirmo nadaafad bilaash ah
  • Qado bilaash ah ayaa la bixiyaa 11 am – 2 pm

Dhacdadaan wargelinta waxaa maalgeliyay taakuleeyayna maxkamadda iyo Xarunteeda Kheyraadka Bulshada.Xarunta Kheyraadka Bulshada waa bar adeegyo bulsho oo ku taala dabaqa labaad ee dhismaha maxkamadda, u furan bulshadoo dhan, taasoo aragtay qiyaastii 7,000 oo booqde 2019 dhexdiisa.

Qof kasta oo u baahan kaalmo waxaa lagu dhiirigelinayaa inuu imaado Isniin, Sabteembar 19, 10:00 a.m.-6:00 p.m. goobta: Rainier Beach Community Center, 8825 Rainier Ave S, Seattle, WA. Warbixintii ugu dambeysay, u booqo bog-khadkeena dhacdada: seattle.gov/courts/community.

Ogeysiisyada dhacdada waxay diyaar ku yihiin:

Waxaan u mahadnaqeynaa iskaashatooyinkeena dhacdada*: Tukwila Municipal Court, King County Department of Public Defense, Asian Counseling and Referral Services, CHAMPS Resource & Service Center Cowlitz Tribal Health, DSHS, Goodwill, Hopelink, Molina Healthcare, MPS Lifeline LLC, Pioneer Human Services, Public Health – Seattle and King County, Rapid Relief Team, Seattle City Light, Seattle Parks and Recreation, Seattle Police Department Community Service Officers, Uplift NW, Valley Cities Behavioral Health Care, Washington Drivers Relicensing Taskforce, YWCA.

*Adeegyadaan iyo adeeg-bixiyeyaashaan waxaa loo ballamiyay in ay dhacdada joogaan, ayadoon wax ballanqaad ah jirin.